Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney Reer Afganistan oo ku dhax Umushay Diyaarad Milatari Mareykanka leeyahay (Sawirro)

Haweeney u dhalatay dalka Afganistan kana mid aheyd dadkii ka baxsaday dalkaasi markii Taalibaan qabsadeen ayaa ku dhax umushay Diyaarad ee leeyihiin Milliteriga dalka Mareykanka oo nooceedu ahaa C-17.

Qoraal kasoo baxay taliska guur guura ee hawada Mareykanka, ayaa lagu sheegay in haweeneydan iyo qoyskeedu ka safrayeen Bariga Dhexe kuna sii jeeday saldhiga cirka ee Ramstein ee Jarmalka ay qabatay foosha ayna ku dhax umushay diyaarada.

Markii foosha qabatay haweeneydan ayaa la sheegay in taliyaha diyaaradda amray in hoos loo dhigo joogga ay ku duuleysay diyaaradda, si loo kordhiyo cadaadiska hawada ee diyaaradda, taasoo gacan ka geysatey xasilinta iyo badbaadinta nolosha hooyadan.

Diyaarada ayaa markii ay ku degtay saldhiga milatari waxaa hooyada iyo cunugeeda lagu wareejiyay dhaqaatiir xaaladood la tacaalay, waxaana la sheegay in xaalada hooyada iyo gabadha ay dhashay aad u wanaagsan yihiin.

https://www.youtube.com/watch?v=VfJyn_xBzEA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo Wareegto ku Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka..(Akhriso)

Caydiid Ali

Daawo:- Musharaxiinta madaxweynaha oo faah faahiyay arrimaha looga hadlay shirarkii u dambeeyay !!

admin

Madaxweyne Laftagareen oo booqasho deg deg ah ku tagay Xerada Balli-dooglle (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---