Allbanaadir.com
NEWS

Guddigii uu Magacaabay Rooble oo la kulmay Taliska ciidamada AMISOM (Sawirro)

Guddigii heer wasiir ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mohamed Hussein Roble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu laayay dad rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska ciidamada AMISOM.

Kulankan dhax maray Guddiga Wasiirada iyo taliska ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadii Golweyn.

Labada dhinac ayaana isku raacay in la sameeyo baaritaan qoto dheer oo ku saabsan dilkii arxan darada ahaa ee ciidamada AMISOM ugu geesteen deegaanka Golweyn todobo qof oo shacab ahaa una badnaa beeraley.

Ciidamada AMISOM ayaana qirtay in ciidankooda dad shacab ah ku laayeen deegaanka Golweyn, waxa ayna balan qaadeen marka baaritaanka dhamaado in cadaalada la horgeyn doono askartii falkaasi ka dambeesay.

Meydadka dadkii ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Golweyn ayaa wali yaala magaalada Muqdisho, waxa ayna ehelada dadkaasi la dilay sheegeen in aysan aasi doonin ilaa ay cadaalada ka helaan ayna qirtaan AMISOM in dilkaasi geesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo qarax oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaano cusub oo ka tirsan Mudug

Caydiid Ali

Madaxda Galmudug oo labo garab u kala qeybsamay iyo Khilaaf cusub oo soo shaac baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---