Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon Caan ah oo Muqdisho lagu dilay Xili uu Masjid uu kasoo baxay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa salaadii Duhur kadib masjid kuyaala agagaarka Aargada Degmada Dayniile waxa ay ku dhaawaceen Nabadoon Xasan Fariid oo kamid ah waxgaradka halkaasi kunool.

Sida aan wararka ku helnay Nabadoon Xasan Fariid ayaa bu dhintay dhaawacii soo gaaray, waxaana nabadoonka lagu weeraray afaafka hore Masjid uu ku dukaday Salaada Duhur sidoo kale uu salaada kahor ka aadaamay.

 

Kooxdii Nabadoonka dhaawacday ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana goobta nabadoonka lagu toogtay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida kuwaa oon ku guuleesan soo qabashada ragii dilka geestay.

Nabadoon Xasan Fariid ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaan Muqdisho horeyna usoo noqday orodyahan, waxa uu sidoo kale yahay Aabaha ciyaaryahnkii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya hadana katirsan naadiga Raadsan Jabriil Xasan Fariid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah yeelanaya 

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Wasiir hortagay kulankii xubnaha labada aqal oo su’aalo adag la weydiiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---