Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Koox hub macmal ah dadka ku dhibaateen jiray oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay xalay labo nin dhalinyaro ah oo hub faalso ah iyo toorey ku dhacayay dadka ku dhaqan xaafado katirsan Hiliwaa.

Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga degmada Hiliwaa lagu soo bandhigay moobeelo ay dad ka furteen iyo biskoolad faalso ah iyo toorey ay wateen.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa Mire Salaad Dhuxulow ayaa sheegay in maamulkooda iyo ciidamada amaanka ka go’antahay kahor taga burcada dhibaatada ku haya shacabka .

” Waxaan gacanta kusoo dhignay burcad Bastoolado Fake ah iyo tooreyo dadka ku dhacayay, waxaa inaga go’an in aan usoo jeedno ilaalinta hantida Reer Heliwaa! Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada Booliska iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Degmada Heliwaa ayuu yiri” Guddoomiye Mire

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya burcada hubeesan ee dhaca u geesta dadka shacabka ah kuwaa oo mararka qaar ku qaraabta mootooyin, waxaana howlgalo ciidamada amaanka marar badan sameeyeen kusoo qabteen kooxo burcad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Booliiska jooga Muqdisho oo Heegan Buuxa la galiyay kadib Amar lasoo saaray

Cabdi Cade

Wafdi ka socda beesha caalamka oo Muqdisho soo gaaray & Xog ku aadan ujeedada safarkooda

Caydiid Ali

Madaxweyne Macron oo booqasho ku tagaya dalal daris la ah Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---