Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Ciise Max’uud Maxamed oo la wareegay xilkii loo Magacaabay (Sawirro)

Gudoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan Ciise Maxamuud Maxamed  ayaa xilka la wareegay galabta ka dib munaasabad ka dhacday xarunta degmadaas ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyi gelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa ka qeyb gashay munasabad uu Xilka kuka wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Kaaraan.

Guddoomiye Basma Caamir ayaa kula dardaarantay Maamulka Degmada Kaaraan in lala shaqeeyo Gudoomiyaha cusub si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa dhowaan xilalka ka qaaday afar gudoomiye degmo oo ka tirsan Muqdisho, waxaana labo ka mid ah degmooyinkaas oo kala Kaaraan iyo Heliwaa loo magacaabay Gudoomiyeyaal cusub, halka weli aan masuuliyiin cusub loo magacaabin degmooyinka Xamar-weyne iyo Waaberi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shiinaha oo ka hadlay Wararka sheegaya in weerar dhinaca Internetka ku qaadeen Kenya

Cabdi Cade

Farmaajo oo Warqada Aqoonsiga maanta ka Gudoomay Labo Denjire cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Saraakiil reer Galbeed ah oo tababar siinaya ciidanka Kumaandooska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---