Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taliban oo weerar looga dilay 15 dagaalyahan, saddex degmana lagala wareegay

Ciidamo ka tirsanaa dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa xoogaga Taliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo kadib markii ay kooxdu ay dalkaasi la wareegtay.

Xoogaga taabacsan Taliban ayaa la xaqiijiyay inay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxaana  la sheegay in ugu yaraan 15 dagaalyahan oo ka tirsan Taliban ay ku dhinteen weerarkan, halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen.

Abdul Hamid, oo ah taliye maxalli ah ee koox lagu tilmaamay kacdoonka ka dhanka ah Taliban ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadiisu ay qarka u saaran yihiin degmo kale, islamarkaana wacad ku maray in uu qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Taliban ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen iyo Aadan Madoobe oo kawada hadlay xaalad taagan (Sawirro)

Cabdi Cade

Dad uu ku jiro wadaad caan ah oo lagu laayay Gaalkacayo

Cabdi Cade

Maamulka Puntland oo dhaar ku maray dagaal ka dhan ah ciidanka Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---