Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka & dowladaha Yurub oo xanibaadii ugu horeysay ku soo rogay Taliban

Hay’adaha lacagta ee Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa waxay si degdeg ah u qaadeen tallaabooyin ay ku xannibaayaan in Taliban hesho dhaqaalaha dalka.

Afghanistan wuxuu ka mid yahay dalalka ugu saboolsan caalamka – waana waddan si wayn ugu tiirsan kaalmada caalamiga ah, taasoo dakhliga dalka ka ah 43 boqolkiiba.

“Afghanistan si wayn ayey ugu tiirsan tahay deeqda caalamka. Kaalmada caalamka waxay toban jibbaar iyo ka badan tahay dhaqaalaha ay taalibaan iskood u helaan,” ayey tiri Vanda Felbab-Brown, oo ah qof ku taqasustay dhaqaalaha Afghanistan oo ka tirsan machadka Brookings Institution.

Mareykanka ayaa sidoo kale xannibay in Taliban ay helaan dhaqaalaha Afghanistan ee daafaha caalamka kale yaalla iyo lacagta keydka dalkaas  oo inteeda badan taallo bangiyada Mareykanka ama Yurub.

Arbacadii, Hay’adda Lacagta Adduunka, IMF, waxay hakisay lacagtii deeqda ahayd ee Afghanistan – taasoo sabab ay uga dhigtay in Caalamka uusan aqoonsanayn Taliban, iyadoo Deeq-bixiyeyaal kale ay dhankooda sheegeen in ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Dowladu waa iney bedeshaa siyaasada Maamulka dhulalka danta guud”

Caydiid Ali

Xukuumadda Somalia oo markii ugu horeysay ka hadashay muranka arrimaha Xajka sanadkan

Caydiid Ali

Xisbullaah oo Gantaalo ku weerartay gudaha Israel iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---