Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dhibaatada ka jirta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo lagu tilmaamay Cadaab

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa mar kale ku baaqay in xabad-joojin deg deg ah laga dhaqan geliyo gobolka Tigray ee woqooyiga dalka Itoobiya, halkaasoo ciidamada dowladda iyo xoogaga TPLF ay ku dagaallamayaan.

Kumanaan qof ayaa colaadda dalka Itoobiya ku barakacay, halka boqolaal kun oo kale ay wajahayaan gaajo iyo Cunto la’aan

Guterres ayaa xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigray ku tilmaamay cadaab, wuxuuna sheegay in hay’adaha samafalku ay u baahan yihiin in shuruud la’aan loo ogolaado inay gobolkaasi ka hawlgalaan.

Guterres ayaa sheegay in awood milatari aan marnaba lagu xallin karin colaadda gobolkaasi ee ku fidday gobollada deriska ah.

Dowlada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, bilo ka hor hase ahaatee Jabhada Tigray ayaa ku gacan seyrtay, taasoo sababtay in dagaalku sii socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiga Jamhuuriga oo gaaray guul hoos u dhigeysa awoodaha Madaxweyne Biden

Caydiid Ali

Dowladaha kahor imaanaya mudo kororsiga Farmaajo iyo Golaha Shacabka oo sii kordhay

Cabdi Cade

Dayuurad Qaad siday oo 7 bilood ka dib soo caga dhigatay Muqdisho (Mala fasaxay?)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---