Dowlada Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada iyo Warbaahinta qaar oo sheegayay in lagaga joojiyay in dalka duulimaadyo ka bilaabaan Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu beeniyay in amar kasoo baxay Wasaarada dalka looga joojiyay labadan shirkadood oo duulimaadyo dalka ku yimaada.
”Wasaarada Gaadiidka waxay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaarada
Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa uga digtay Warbaahinta iyo dadka kale in ay faafiyaan wararka been abuurka ah ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com