Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Goodax Barre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle

Siyaasiga Cabdullaahi Goodax Barre oo katirsan Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in magaalada Baladweyne u tagay wadatashiyo iyo kulamo uu la lahaa Ugaaska iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo, waxa uuna xusay in Yuusuf Dabageed hakad galiyay wadahadalii iyo kulamii uu waday.

Halkan ka AKhriso Qoraal arintan uu uga hadlay Yuusuf Dabageed

 

Waxaan gaaray magaalada Baladweyne taariikhdu markay ahayd 11ka Agoosto, 2021 si aan xogwareysi iyo wadatashiyo kala duwan ula qaato Ugaaska, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan, 10 cisho oo aan Baladweyne ku sugnaa maanta ayaan Xamar dib ugu soo laabtay.
 
Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gadaal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo daandaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalamaan.
 
Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa “Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso”.
 
Waa ayaan darro iyo nasiib xumo weyn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka looga hagayo, in ay ummad dhan masiirkooda u burburiyaan danahooda shaqsiga ah, iyagoo sheeganaya in ay dadkaan matalaan, isla markaana ay abuuraan colaad iyo qalalaaso, si ay Guudlaawe Baladweyne u keenaan iyadoo loogu caga-jugleynayo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne.
 
Waxaan ku baaqayaa ugana digayaa in ay ka waantoobaan falalka gurracan iyo colaad hurinta ay faraha kula jiraan, wax kasta oo meeshaas ka dhacana ma ahan mid looga hari doono, waxayna dhabarka u ridan doonaan masuuliyad kasta oo ka sugnaata colaad ka dhacda Baladweyne, mana noqon doonto mid looga haro dhiig kasta oo halkaas Ku daata.
 
Waxaan u mahadcelinayaa Ugaaskeena qiimaha badan oo ku samray dhibaatooyinka qaar, nabaddoonadeena waaya-aragga ah sida geesinimada iyo masuuliyadda leh ay ugu adeegayaan danaha bulshada iyo deegaankaba.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalkii Gaalkacyo ku dhax maray Ciidamada Danab iyo Maleeshiyaad..

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo bilowday abaabulka qorshe cusub oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Daawo Video: “Qaran jabkii ugu waynaa ee dalka ka dhacay yaa sabab u ahaa..?!

admin
Taboola Ads ---