Allbanaadir.com
NEWS

Nin Soomaali ah oo ka mid noqday xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia

Muwaadin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya hadana heesta dhalashada dalka Canada ayaa ku guuleestay in uu noqdo xildhibaannad katirsan Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada.

Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo kamid noqda Baarlamanka gobolka Nova Scotia, waxa uuna ninkan Soomaaliga ah guul taariijhi ah ka gaaray doorashada dhacday.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa horey uga shaqeyn jiray dab damiska ayaa taageero badan ka helay xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale, waxa uuna  helay 40.2% codadkii la dhiibtay.

Cali Ducaale ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia.

Soomaali badan oo kunool qurbaha gaar ahaan dalalka Canada iyo Mareykannka ayaa xubno ka noqday Baarlamaanbkada dalalkaasi gaar ahaan kuwa gobolada iyo kuwa heer federaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibanada labada aqal oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay tirada askarta dowladda ee ku dileen Weerarkii Ruun-nirgood

Cabdi Cade

Dagaal mar kale ka qarxay degaanka Jeex jeex iyo ciidanka Xoogga dalka oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---