Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciyaartoy ka mid noqday Dadkii kasoo dhacay Diyaaraddii ka kacday Garoonka Kabul

Diyaaraddii Maraykanka ee ka kacday garoonka diyaaradaha Magaalada Kabul, waxa dadkii baalasha ka fuulay ee kasoo dhacay ku jiray ciyaartoy reer Afghanistan ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ariana.

Tiro dad ah oo ka cararayay magaalada Kabul markii ay soo galeen dagaalyahannada Taliban ayaa isku shubay garoonka diyaaradaha Axaddii, waxaana la arkayay dad fuulay baalasha diyaarad ay leeyihiin milateriga Maraykanka oo ka duulaysay madaarka.

Muuqaallo laga duubay diyaaraddaas ayaa waxay muujiyeen illaa saddex qof oo markii ay diyaaraddu duushay kasoo dhacay, halkaasna ku geeriyooday, halka aan la ogayn waxa ay ku dambeeyeen dadkii kale oo iyagana ay adag tahay in ay noolaadaan.

Wakaaladda wararka Afghanistan ee Ariana ayaa sheegtay in dadkii diyaaradda kasoo dhacay ee gudaha garoonka maydkooda laga qaaday uu ku jiray Zaki Anwari oo ay da’diisu ahayd 19 jir, kaas oo fuulay baalka diyaaraddii USAF Boeing C-17.

Zaki Anwar ayaa ka tirsanaa ciyaartoyda xulka qaranka Afghanistan, geeridiisana waxa xaqiijiyey agaasimaha ciyaaraha ee dalkaas.

Qoraal tacsi ah oo ay wasaaraddu soo saartayay tacsi ugu dirtay qoyska Zaki Anwar.

“Waxa aanu si weyn uga murugoonaynaa geerida Zaki Anwar oo ka tirsanaa ciyaartoyda xulka qaranka ee da’yarta oo shil naxdin leh ku geeriyooday.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

“Anwari waxa uu kasoo dhacay diyaarada Maraykanka, waanu dhintay, isagoo ka mid ahaa boqollaal dad da’yar ah oo isku dayayay inay waddanka ka tagaan.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas oo shaacisay iney nolol ku qabatay askar ka tirsan ciidanka Israel

Caydiid Ali

Daawo:-Sidee u aragtaa In Sheikh Shariif dhaho Waxaan sugaynaa kaliya inta uu waqtiga Farmaajo ka dhamaanayo (Dagaal Masa…..?!!

admin

Mareykanka oo Maraakiib & dayuurado dagaal u diray Israa’iil (Wararkii u dambeeyey)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---