Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Taliska Booliska gobolka Bari oo beeniyey baraha bulshada Warar lagu faafiyey

Taliyaha Booliska Gobalka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Max’uud ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegayay in dadka soo xagaa noqonaya ee imaanaya Magaalada Bosaaso in kontarolka lacag looga qaadayo si ay iskaga baaraan xanuunka Karona.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in arintaasi aysan waxba ka jirin Ummadana lagu jahwareerinayo dadka lagu helo iney beentaas faafiyeen talaabo cad laga ka qaadi doono.

“Ma jirto wax lacag ah oo dadka looga qaado baraha kontrol ee laga soo galo Boosaaso si ay iskaga baaraan Korona” ayuu yiri taliyaha.

Hadalka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada booliska Goblka Bari ay Baraha Koontorool ee Magaalada Boosaaso ku baaraan dadka iyo Gaadiidka soo galaya Magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo cusub oo dhawaan la wareegaya amniga degmooyinka gobolka Banaadir (Daawo Video)

admin

Suxufiyad ka hawlgasha telefishin oo sabab yaab leh shaqada looga joojiyey

Caydiid Ali

Arrin la yaab leh oo ka Dhacday Muqdisho kadib markii Neef Sac ah uu liqay Jaad iyo Mobile

Cabdi Cade
Taboola Ads ---