Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxaa ka jira in Taliban ay bilowday ugaarsiga dadkii la shaqeeyey reer Galbeedka?

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay Xoogaga Daliban ayaa bilaabay ugaarsiga dadkii la soo shaqeeyay ciidammada NATO ama xukuumaddii hore ee Afghanistan.

Warbixintu waxay sheegtay in kooxdu ay guri kasta ay baarayaan si ay u helaan dadka ay baadi goobayaan iyagoo u hanjabaya xubnaha qoysaskooda.

Digniinta ku saabsan in kooxdu ay beegsanayso dadka la shaqeeyry reer Galbeedka waxay ku timid dukumenti qarsoodi ah oo ay samaysay Xarunta RHIPTO ee Norwegian-ka ah ee Falanqaynta Caalamiga ah, oo xogaha sirdoon siisa UN.

“Waxaa jira shaqsiyaad aad u tiro badan oo ay hadda beegsanayaan Taliban, hanjabaadduna waa mid cad,” ayuu Christian Nellemann, oo madax u ah kooxda ka dambeysay warbixinta.

Waxa uu ka digay in qof kasta oo ku jira liiska madow ee Taliban uu ku jiro khatar aad u daran, ayna dhici karto in dad badan la dilo.

Taliban ayaa isku dayaysey inay niyadda u dejiyaan reer Afghanistaan ​​tan iyo markii ay xukunka la wareegeen, iyagoo ballan qaaday inaysan jiri doonin falal aargoosi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo Magacaabay Guddi qaban qaabiya Shirka Dib u heshiisiinta K/Galbeed (Akhriso)

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War cusub ka so saartay howlgal ay fuliyeen ciidanka Danab

Caydiid Ali

Qaraxyo cusub iyo rasaas culus oo laga maqlayo gudaha Hotelka Xayaat ee caawa la weeraray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---