Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo ciidamo hor leh geeyey garoonka dayuuradaha Kabul (Sababta)

Maraykanka ayaa boqolaal askari oo dheeraad ah ka dejiyey garoonka dayuuradaha magaalada Kabul ee dalka Afganistan

In ka badan 5,200 oo askari ayaa ku sugan caasimadda Kabul ee dalka Afganistan, sida ay sheegtay waaxda gaashandigga Mareykanka.

Todoba boqol oo ka mid ah ayaa ka dagay Kaabul maalmihii la soo dhaafay si ay u xoojiyaan ciidamada Maraykanka ee halkaas ka wada daad gureynta.

Waxay ku howlan yihiin fududeynta daabulista muwaadiniinta Mareykanka . Ilaa iyo hadda 7,000 oo qof ayay milatariga Mareykanka ka qaadeen kaabul.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in ciidammada Mareykanka ay halkaa sii joogi donaan ilaa iyo 31 August.

Madaxweyne Biden ayaa xusay in ciidamada Maraykanka ee weli jooga Kabul ay dedejin doonaan daabulida kumanaan muwaadiniin maraykan ah iyo xulufadooda oo ku xaniban garoonka Kabul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Howlgal qorsheesan ku dilay Cabdi Xasan Deer

Cabdi Cade

Daawo Muuqaal “Caruurta ku nool England oo la barayo waxyaabaha GALMADA la xiriira !!

admin

Jadwalka Doorashada labada kursi ee ka haray Aqalka Sare oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---