Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne goboleedkii 2aad oo Muqdisho u yimid shirka Golaha wada tashiga (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn Garoonka Diyaaradaha ee Aadan abdulle ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka Banaadir, xubno ka kala socday golaha wasiirada iyo Labada gole ee baarlamanka dalka.

Qoorqoor ayaa noqonaya madaxweyne goboleed 2aad ee Muqdisho u yimaada ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmaya Afisyoone  maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021.

Madaxweynaha Koonfur galbeed laftagareen ayaa horey u soo gaaray Muqdisho, iyadoo madaxda kale ee dowlad goboleedyada la filayo iney ilaa beri soo gaaraan Xamar.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Ku dhowaad 10 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Bacaadweyne

Caydiid Ali

Akhriso: Todoba Caqabadood oo ku hor gudban qorshaha dib u eegista dastuurka Somalia

Caydiid Ali

Loolanka Cabdi Qeybdiid & Xaaf oo meel adag gaaray iyo Midowga Musharaxiinta oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---