Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.
Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxan oo uu fuliyey nin dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa lala beegsaday Maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Jubba.
Maqaayada la qarxiyey ayey wararku sheegayaan iney fariisan jireen askar, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo shacab ah.
Lama oga weli khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan, waxaana goobtaas xiray ciidamada amaanka DF, iyadoo gaadiidka gurmadka ah ay halkaas gaareen.
La soco wixii ka soo kordha
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com