Hogaamiye sare oo katirsan kooxda Taalibaan oo lagu magacaabo Anas Xaqaani ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Afganistan Xamiid Karzai iyo siyaasiyiin kale uu ku jiro madaxa Golaha Dib-u-heshiisiinta Qaran ee Afganistan, Cabdalla Cabdalla.
Kulankan dhax maray Sargaalkan katirsan xafiiska Siyaasada Taalibaan iyo siyaasiyiinta reer Afganistan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay dedaalo ay kooxda Taalibaan ku dooneyso in ay ku dhisto dowlad cusub oo wadaag ah.
Kulanka dhex maray Anas Xaqaani iyo Xamiid Karasaay ayaan faah faahin dheeraad ah laga haynin, balse waxay u badan tahay in looga hadlay Dhismaha Dowlad Cusub oo loo dhan yahay iyo Dhacdooyinkii u dambeeyey ee dalkaasi ka dhacay.
Hoggaanka kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afganistan waxay horey u sheegeen inay dhisi doonaan Dowlad Islaami ah oo ay qeyb ka noqon doonaan Siyaasiyiin Caan ah oo la carabaabin.
Afhayeenka kooxda Taalibaan oo Warbaahinta la hadlay sheegay inay diyaar u yihiin inay Wada-hadal Nabadeed la furaan Saraakiisha Dowladii hore, si hubaal looga dhigo inay Ammaan dareemaan.
Kooxda Taalibaan ee la wareegtay awooda dalka Afganistan ayaa dooneysa in ay bedesho wajigeedii hore ee dagaalka ahaa, waxa ayna kooxdan hada doonayaan in ay dhisaan dowlad cusub, iyagoona cafis u fidiyay dadkii lasoo shaqeeyay dowladii hore.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com