Madaxweynihii dalka Afganistan Ashraf Qaani ayaa magan gelyo siyaasadeed ka helay dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii uu ka baxsaday magaalada Kabul ee la wareegeen kooxda Taalibaan uu sanado badan dagaal kula jiray.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in dalkeeda joogo Madaxweynihii dalka Afgaanistan, waxaana qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Imaaraadka lagu sheegay in dalkooda kusoo dhaweeyeen Ashraf Qaani iyo qoyskiisa.
Madaxweyne Ashraf Qaani ayaa muqaal uu arbacadii soo duubay ku sheegay in uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya in lacag badan uu kala baxsaday dalkiisa .
Waxa uu sheegay Madaxweyne Ashraf in uusan baxsan balse kahor tagay musiibo weyn oo dalkiisa kusoo wajahneyd, waxa uuna sheegay in uu ku jiro wadahadalo uu doonayo in uu dib ugu laabto dalka Afganistan.
“Hadda, waxaan joogaa dalka Imaaraat-ka Carabta si loo joojiyo dhiigga daadanaya iyo fowdada, waxaan hadda ku jiraa wadahadallo aan dib ugu laabanayo Afgaanistaan.” ayuu yiri Madaxweyne Qaani.
Madaxweynaha dalka Afganistan ayaa dhaleeceyn badan kala kulmay baxsashadiisa, waxaana si weyn uga hor yimid talaabada uu qaaday Masuuliyiin katirsan dowlada Afganistan, dowlada Mareykanka iyo wadamo kale oo xiriir la lahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com