Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo burburisey taalo loo dhisay wadaad shiico ah oo iyaga ka horjeeday (Sawirro)

Taallada Shiikh Shiico oo caan ah oo la dagaalamay kooxda Taliban intii uu socday dagaalkii sokeeya ee Afghanistan sagaashamaadkii, ayaa lagu burburiyey gobolka ku yaalla bartamaha ee Bamiyan.

Xoogag taabacsan Taliban ayaa la sheegay iney dhulka soo dhigeen taaladaas oo ka dhisneyd bartamaha magaalada Bamiyam.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili kooxda Taliban ay 20 sano ka dib mar kale gacanta ku dhigeen talada dalka Afghanistan.

Dhanka kale, Taliban ayaa sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda iyo aas-asaasayaasheeda, Mullah Abdul Ghani Baradar uu Afghanistan kusoo laabtay markii ugu horreysa in ka badan 10 sano.

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa tweet ku sheegay in Baradar oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan, uu yimid magaalada Kandahar ayada oo ay wehliyaan wufuud.

Muuqaal uu afhayeenka soo dhigay twitter ayaa muujinayey dad kasoo degaya diyaarad una sacbinaya nin la rumeysan yahay inuu yahay Baradar, ayada oo qoraal la socday muuqaalka lagu sheegay inuu ka yimid dalka Qatar.

Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey diyaaradda Qatar ee C17 oo ku sugan garoonka Kandahar. Goobta muuqaalka ayaa waxaa xaqiijiyey Reuters, oo la barbar dhigtay xogta dhulka iyo aagga ku hareereysan.

Baradar ayaa waxaa 2010-kii lagu xiray Pakistan, hase yeeshee waxaa xabsiga laga sii daayey 2018 kadib markii uu codsaday maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, si uu uga qeyb-galo wada-hadalladii u dhaxeeyey labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska Hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo ansixiyay Miisaaniyad u gaar ah Sanadka 2020 (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw Ubax dhigay Taalada SYL (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---