War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayay ku icllaamiyeen in 19-ka bishan oo ku beegan Khamiista in Muqdisho ay ka dhici doonto munaasabada xuska sannadguurada xiriirka labada dal.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dib u billowday ka dib markii booqasho indhaha caalamka tustay dalka uu ku yimid Ra’iisul wasaarihii xiligaasi ee Turkiga haddana ah Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdo§an.
“Annagoo ah laba ummadood oo walaalo ah oo Soomaaliya iyo Turkiga ah, waxaan taariikh ahaan kor u qaadnay xiriirka walaalnimo illaa qarnigii 16aad. Tan iyo markaas, xiriirkeenna diblomaasiyadeed, xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga Dhinacyo kala duwan ayaa dhinac socda xiriirrada dad-weynaha markii aan bilownay howlaheenna 1979-kii” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir diblu-maasiyadeed oo leh dhinacyada iskaashi amniga, dhaqaalaha, arrimaha bani’aadamnimada iyo ganacsiga, iyadoo saaxiibka ugu weyn ee haatan ay leedahay Somalia uu yahay Turkiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com