Saddex qof ayaa la dilay, 12 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen shacab dibad-baxayey oo dejiyey calanka Taliban, magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.
Calanka caddaanka iyo madowga ah ee Taliban, oo ka taagnaa Ranaboot ku yaalla magaalada Jalalabad oo 115 km bari ka xigta caasimadda Kabul, ayaa la dejiyey waxaana lagu beddelay calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah ee dowladii hore ee Afghanistan.
Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ee dhowaan ay ku dhowaaqday Taliban ayaa illaa hadda isticmaaleysa calanka caddaanka iyo madowga ah ee ay dhexda kaga qoran tahay shahaadada ama towxiidka.
Taliban kama hadlin dhacdadan balse, Afhayeenkooda Zabihullah Mujahid ayaa sheegay shalay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan calanka qaran ee mustaqbalka, ayada oo go’aan ay ka gaari doonto dowladda cusub ee dhalan doonta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com