Taalada caanka ah Eiffel ee kutaala magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ayaa lagu wareejinayaa darbi adag oo Muraaad ka sameysan si looga hortago in ay weeraraan goobtaasi kooxaha argagaisada lagu sheegay.
Xeendaabka Muraayada ka sameysan ee loo sameenayo taalada Eiffel ayaa noqon doonto mid adag oo shub ah, waxaana darbigan Muraayada ka sameysan dhimucdooda dhantahay 6.5 cm, halka dherer ahaan dhanyihiin meel ka mid ah marka boqol loo dhigo dherarka taalada.
Waxaa sidoo kale Darbigan Muraaada ka sameysan lagu horgudbi doonaa 240 dhagax oo shub ah, waxaa sidoo kale taalada loo dhisayaa biro dhaa dheer oo sidoo kale qeyb ka noqonaya sugida amaanka taaladaasi.
Qorshahan cusub ee Taalada Paris loogu dhisayo darbiga Muraayada ka sameysan waxaa ku baxaya aduun lacageed oo gaaraya $40 milyan oo doolar, waxaana qorshahan uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka taaladan.
Taallada Eiffel ee magaalada Paris waxaa maalin kasta soo booqda kumanaan qof oo dalxiisayaal meelo kala duwan ka yimid, waxaana sanadkii isku darka dadka booqda lagu qiyaasaa dad ka badan 5 Milyan oo qof.
Magaalada Paris waxaa horey ugu dhacay weeraro loo adeegsaday qaraxyo, Mindiyo iyo baabuur, waxaana wali Faransiiska ka taagan cabsi la xariira in la weerari karo taaladan asaanta u ah magaalada Paris caana ka ah Dunida oo dhan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com