Allbanaadir.com
NEWS

Musefani oo shaaciyay in Magdhaw ka bixinayaan shacab askartooda ku laayeen Sh/Hoose

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa maalmo kahor agagaarka deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ku laayay ku dhawaad 10-qof shacab ah oon waxba galabsan kadib weerar ay kala kulmeen Al Shabaab.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa qiray in askartooda dad shacab ah ku laayeen gobolka Shabeelaha Hoose , waxa uuna xusay in ay socdaan baaritaano talaabana laga qaadi doono askartii falkaasi geesatay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Museveni in askartooda iyaga oo careesan dad shacab ah ku laayeen gudaha Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in la xiray askarta dilka geesatay laguna soo oogi doono dacwad.

“Dhowaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay.” Ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaana sheegay in ay la xaali doonaan dadka ehelkooda halkaasi ku dileen ciidamada AMISOM ayna bixin doonaan magdhaw, waxa uuna sheegay in aysan marnaba raali ka aheyn in dad shacab ah la dhibaateeyo.

Ciidamada AMISOM ee ka howgla Soomaaliya ayaa marar badan si bareer ah qeybo kamid ah gobolada dalka waxa ay ugu dileen dad shacab ah, mana jiraan magdhaw muuqda ay ciidamada AMISOM ka bixiyeen dadka ay laayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soo Xulida inta badan Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la dhameystiray

Caydiid Ali

Wasiir Sadiiq Warfaa oo Khudbad ka jeediyay Shir Caalami ah oo ka socda Geneva

Cabdi Cade

Aktarka Will Smith oo Masrax ku dharbaaxay Majaajiliistaha caanka ah ee Chris Rock (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---