Allbanaadir.com
NEWS

Xarun lagu baranayo Wadaniyadda iyo Dastuurka oo la Daah furay (Daawo Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray xarunta barashada dastuurka iyo waddaniyada Somaliland oo ay aas-aastay wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurku.

Munaasibadaa ballaadhan ee daahfurka Xarunta Barashada Dastuurka iyo waddaniyadda waxa kasoo qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka, badi aqoonyahanka iyo waxgaradka Somaliland, Madaxda Jaamacadaha dalka, ururada bulshada rayidka ah, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed, Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, mudane Mustafe Cali Bille, Cadaaladda, mudane Saleebaan Warsame guuleed, Macdanta iyo Tamarta, mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, oo munaasabada ka hadlay waxa ay soo dhaweeyeen muhiimada ay xarruntani u leedahay qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibada ka hadlay ayaa tilmaamay marxaladihii kala duwanaa ee xaruntani soo martay waxaanu hoosta ka xariiqay qorshaha mustaqbalka ee xaruntani hiigsanayso.

Gebo-gebadii iyo Gunaanadkii waxa madashani soo xidhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku amaanay wasiirka iyo wasaaradda ka dhabaynta ujeedooyinkii loo aas-aasay wasaaradda, sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku booriyey bulsho weynta Somaliland Barashada Dastuurka iyo wadaniyadda.

Related posts

Kim Jong Un oo amray milatariga Dalkiisa in Diyaar u diyaar garoobaan Hanjabaadna diray

Cabdi Cade

Mareykanka oo Malaayiin Dollar madaxiisa dul-dhigay Hoggaamiye sare oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Baarlamanka Puntland oo qorsheynaya talaabo sii hurin karta khilaafka doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---