Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay rag dil iyo dhac ka geestay Muqdisho

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay burcad hubeesan oo la sheegay in degmadaasi ka geesteen falal isugu jiray dil, dhaawac iyo dhac.

Burcad hubeesan ayaa xalay Suuqa Degmada Kaaraan ku dilay haweeney halka sadex qof kalana ku dhaawaceen, waxa ay sidoo kale burcadan dhac u geesteen dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa.

War kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen burcad dil iyo dhac ka geesatay degmada Kaaraan, waxa ayna maamulka sheegeen in burcadan loo gudbiyay laamaha dambi baarista.

Degmada Kaaraan waxaa kusii kordhaya fal dambiyeedyada ay geestaan burcada hubeesan ee ku badan degmadaasi, waxaana ciidamada amaanka marar badan gacanta ku dhigeen qaar kamid ah burcada shacabka dhaca iyo dhibaatada kalaba u geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud Salaam Foundation oo daahfurtey Mashruuca Taakuleynta iyo Afurinta ee Bisha  Ramadaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Aas balaaran oo Garawe loogu sameeyay Janaraal Cabdisamad Cali Shire (Sawirro)

Cabdi Cade

Talaabada koowaad ee uu qaadayo Trump oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---