Waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abi Ahmed iyo Wafdi uu hogaaminayo, waxaana hada socda diyaar garow balaaran oo lagu soo dhaweenayo Wafdigan.
Madax katirsan dowlada Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde , waxaa sidoo kale la filayaa in garoonka gaaraan Madaxda sare ee dalka qaarkood si Ra’isul Wasaaraha Itoobiya usoo dhaweeyaan.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abi Ahmed ayaa marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho loo galbin doonaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya si uu halkaasi kulamo ula qaato Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha.
Abi Ahmed ayaa tan iyo markii la doortay ku jiray booqasho uu ku tagayay wadamada dariska la ah Itoobiya, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha cusub ka shaqeenayay xoojinta xiriirka Itoobiya la leedahay wadamada dariska ah.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada oo loo diiday in ay maraan gaadiidka dadweynaha , waxaana wadooyinka qaar lagu arkayaa ciidamo cusub.
Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com