Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay deeq loo fidiyey (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (C.Carab)  ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Waxbarshada dalka Masar Tariq Showqi iyo Wasiirka Tacliinta Sare ee dalka Masar khaalid Cabdul-Qafaar,  kuwaasoo ay is afgarad buuxa ka gaareen waxyaabahii ay ka wada hadleen ee Iskaashiga tacliinta.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla go’aamiyay sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii Waxbarashada ee Masaarida maamulaan ee ku yaala dalkeenna.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa loo ballan qaaday in deeqaha Waxbarashada la kordhin doono, gaar ahaan dhinaca Tacliinta Sare (Postgraduate), Sidoo kale Madaxda labada Waddan ayaa isla soo qaadeen sidii loo xalin lahaa caqabadaha haysta ardayda Soomaaliyeed  ee wax ku barta dalka Masar.

Kulanka Wasiirka uu la qaatay dhigiisa Wasiirada Masar  ayaa waxaa ku wehliyay agaasimaha tacliinta Sare wasaaradda Waxbarshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ku-xigeenka u qeybsabaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo lataliyaha Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoonka Golaha Shacabka oo loo gudbiyay Warbixin laga soo diyaariyay….

Cabdi Cade

Mursal oo loogu hanjabay inuusan War ka maqlin Mucaaradka & Sababta keentay

admin

Midowga Afrika oo talaabo qaaday ka dib afgembigii ka dhacay Gabon

Caydiid Ali
Taboola Ads ---