Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen RW Somalia iyo Shiikha Al-Azhar Dr. Axmed Al-tayib? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Sheikha Al Azhar Dr. Axmed Altayib.

Rooble ayaa uga mahadceliyay Shiikha doorka Al-Azhar ee faafinta fahamka saxda ah ee diinteenna suubban, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay kordhinta fursadaha waxbarashada ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaas.

Shiikha Al-Azhar Dr. Axmed Al-tayib ayaa dhinaciisa ku amaanay Rooble iyo xukuumadiisa dedaalka ay ugu jiraan xoojinta nabada iyo horumarka Somalia, isagoo balan-qaaday in Jaamacada Al-azhar ay xoojineyso fursadaha Waxbarashado ee ardayda Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha oo maalintii labaad safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa saaka booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wakiil ka socday Fahad Yaasiin oo la sheegay in uu fashiliyay Shirkii Xukuumada iyo Musharaxiinta

Cabdi Cade

DFS oo Qaramada Midoobay la wadaagtay Daan daansi iyo dulmi ay wado Itoobiya

Cabdi Cade

Dagaalka ka socda Tigrey oo marxalad kale oo halis ah galay iyo Amxaaro oo Hanjabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---