Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoonka kula hadlay Madaxweyne Al Siisi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane CabifataaxSiciid Alsiisi, ayaa ugu hambalyeyay shacabka iyo hoggaanka dalkaas maalmaha barakeysan ee Ciidda Fidriga.

Madaxweynaha ayaa la hadalkiisa ku yiri “Waxaan u rajeeynayaa Masar iyo shacabkeeda aan walaalaha nahay horumar iyo baraaro joogta ah, annaga oo sidoo kale guul Alle u weydiinayna Golaha Xukuumadda Cusub ee dhawaan aad xilka u magacawday Madaxweyne.”

Dhankiisa, Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoona Alle uga baryey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdoodaba in u siyaadiyo xasilloonida, horumarka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Masar iyo Soomaaliya, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u dul maray Madaxweyne Alsiisi, tallaabooyinka muuqda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qaadday xasilinta amniga iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa xaqiijiyey in dalkiisa Masar ay garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona muujiyay sida ay uga go’antahay in la joogteeyo, korna loo qaado xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiid dagaal & Maleeshiyo lagu wareejiyey Raisul Wasaare Khayre (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Danjire Wafaa El-Fadil Saed oo laga gudoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaaf xoogan oo ka taagan Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---