Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa goordhaw soo bandhigay habraaca iyo shuruudaha loo marayo hanaanka doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Guddiga Doorashada ayaana maalmahan ku mashquulsanaa soo bandhigida habraaca loo marayo doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanaka federaalka gaar ahaan xulista ergada dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Doorashada Aqalka Sare ee ka bilaabatay maamul goboleedyada ayaa ku bilaabatay musuq maasuq iyo nin jecleysi, waxaana cabsi badan hada laga qabaa in doorashada Aqalka Hoose iyana sidaas oo kale u qabsoonto.
Halkan ka Akhriso Habraacan goordhaw lasoo saaray