Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda Masar halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.
Waxaa garoonka dayuuradaha Qaahira si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ku joogo dalka Masar ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda wadankaas.
Rooble ayaa la kulmi doona madaxda sare ee dalkaas oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal, sidoo kale waxaa kulan balaaran uu la qaadan doonaa jaaliyada Soomaalida ee Qaahira ku nool.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com