Shir sadex maalmood Hotelka Jaziira uga socday Midowga Musharaxiinta ayey goordhaw kasoo saareen warsaxaafadeed ay uga hadlayaan sida ay ku bilowdeen doorashooyinka aqalka Sare & shirka ay yeelanayaan Golaha wadatashiga Qaran .
Musharaxiinta ayaa walaac muuijiyay sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka , sidoo kalena ay u tagan yihiin xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay si dalka looga badbaadiyo xasilooni daro.
Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose ay noqdaan kuwo daahfuran oo wadar ogol ah, loona dhaafo odayaasha Dhaqanka in ay soo xulaan ergooyinka Xildhibaanada dooraya.
Waxa ay sidoo kale Musharaxiinta ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.
Halkan ka AKhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Musharaxiinta
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com