Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Ashraf Qaani oo Iscasilaya iyo Gole KMG oo la magacaabayo xili Daalibaan..

Dalka Afgaanistan ayaa marxalad cusub madaxa la galay, xoogaga Daalibaan ayaana hada ku dhaw in si buuxda ula wareegto talada dalka Afgaanistan kadib markii ay qabsadeen inta badan gobolada dalka ayna gudaha u galeen caasimada Kabul.
Xooggaga Daalibaan markii gudaha u galeen magaalada Kabul waxaa bilowday Dhaqdhaqaaqyo Diplomaasiyadeed, iyadoo Ergooyin ka kala socda Daalibaan iyo Dowladda Afganistan Shir Deg deg ah uga socda Qasriga Madaxtooyada.
 
Warbaahinada Caalamiga iyo kuwa Maxaliga ayaa baahiyey inuu Madaxweyne Maxamed Ashraf Qaani ku dhawaaqi doono Iscasilaadiisa sacadaha soo socda, si dagaal looga bad baadiyo magaalada Kabul.
 
Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Afganistan, Cali Axmed Jalaali ayaa loo magacaabi doonaa Madaxa Maamulka Ku-meel-gaarka ee dalkaasi, Daalibaan wey oggolaadaan Hindisahaasi, waxayna ku baaqeen in Maamulka si Nabad ah lagu kala wareego.
 
Saacadaha soo socda ayaa laga yaabaa in Maamulka Cusub lagu dhawaaqo, si looga badbaado colaad lagu hoobtay iyo dagaal ka dhaca Gudaha Kabul, waxaana magaalada Kabul xiligan ka jirta xaalad hubanti la’aan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Khataraha ka dhalan kara Xiyiraada la saaray Diyaaradaha taga Kismaayo

Cabdi Cade

Israel oo ku goodisay iney qaadeyso talaabo adag oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Caydiid Ali

Taliska booliiska oo faah faahin ka bixiyay rag lagu toogtay Muqdisho iyo qaraxii saakay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---