Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Miinooyin Al Shabaab ku aaseen Wado Muhiim ah oo la qarxiyay (Daawo Sawirada)

Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa qarxiyay miinooyin lagu aasay hareeraha wadada isku xirta garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.

Howlgalka miinooyinka lagu qarxinayay ayaa intii ay socdeen waxa ay ciidamada AMISOM xireen wada, waxa ayna ciidamada halkaasi ku qarxiyeen qaar kamid ah miinooyinkii Al Shabaab halkaasi ku aaseen.

“Ciidamada Burundi ee AMISOM ayaa qarxiyay Walxaha Qarxa (IEDs) oo lagu aasay waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaalada Jowhar. Bulshada iyo dadka magaalada ee maalin kasta adeegsada wadadan ayaa uga mahadceliyay hawlgalka ayaa lagu yiri”ayaa lagu yiri War ka soo baxay Warka kasoo baxay AMISOM.

Qaraxyada Miino ayaa inta badan lagu aasaa wadooyinka soo gala Jowhar gaar ahaan wadada isku xirta magaalada iyo garoonka diyaaradaha Jowhar, waxa uuna howlgalkan AMISOM fuliyeen lagu xaqiijinayay amaanka wadada u dhaxeysa garoonka iyo magaalada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Antonio Guterres oo ka hadlay Heshiiska ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Cabdi Cade

Alexandre Bissonette oo qirtay inuu Masjid ku laayey Muslimiin salaad ku jiray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xafladii caleemo Saarka Madaxweynaha Puntland oo soo gebagebowday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---