Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhacdo argagax leh: Labo Arday oo Macalinkii Quraanka barayey ku dilay duleedka Gaalkacyo

Degaanka Laan-Kadawo ee Duleedka Koonfureed Magaalada Gaalkacyo ayaa galabta waxaa ka dhacay dil argagax leh oo si weyn looa hadal hayo degaankaasi

Labo wiil oo arday ah ayaa macalinkoodii Dugsiga Qur’aanka ku dilay degaankaas, iyagoo dilka u adeegsaday Faas.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in labada wiil ay macalinka ku weerareen gurigiisa oo uu jiifay xilligaas, lamana oga illaa hadda sababta ay falkaas ugu kaceen

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Macalin  C/salaan Maxamuud Ilka-weyne.

Labada wiil ee dilka fulisay oo la qabtay ayaa lagu wareejiyay laamaha amniga Galmudug oo xabsiga u taxaabay.

Dhacdadan ayaa ah mid ugub ku ah degaanada Soomaalida oo macalimiinta dugsiyada Quraankasi weyn looga xushmeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo Amar degdeg ah siiyay Saraakiisha Ciidamada (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland oo ansixiyey..

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaalo khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Marko

Caydiid Ali
Taboola Ads ---