Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo Codsi Cajiib ah u diray Daalibaan oo ku dhaw in ay qabsadaan Kabul

Maraykanka oo Codsi Cajiib ah u diray Kooxda Daalibaan
Dowladda Maraykanka waxay ka codsatay Hoggaamiyayaasha Kooxda Hubeysan ee Daaliban inay badbaadiyaan Safaaradooda ku taalla Caasimadda Kabul.
 
Wargeyska The New YorkTimes ayaa qoray Arbacadii la soo dhaafay inay Xogtaasi ka ka helayaan Labo Sarkaal oo Sarsare oo Maraykan ah, kuwaasi oo magacyadooda qariyey.
 
Sida laga soo xigtay Warbixinta, Dowladda Maraykanka waxay la xiriirtay Daalibaan, iyadoo u sii martay Ergayga Khaaska ee ugu qaabilsan Arrimaha Afganistan, Zalmay Khalilzad oo asalkiisu Afgani ah, si hubaal looga dhigo Ammaanka Safaaradooda, haddii ay Daalibaan qabsadaan magaalladda Kabul.
 
Codsiga Maraykanka ayaa soo baxay, xilli ay Maleeshiyadda Daalibaan u dhawaadeen dhinaca Caasimadda Kabul oo ay haatan u jiraan wax ka yar 80 KM.
 
Ciiddamada Maraykanka iyo kuwa Isbahaysiga la ah waxay u dhow yihiin inay isaga huleelaan Afganistan, kadib, 20-sano oo ay ku sugnaayeen.
 
Inkastoo uu Maraykanka Codsi Badbadin u diray Kooxda Daalibaan, haddana ilaa 3,000 oo Ciiddamo Maraykan ah ayaa loo daabulay Caasimadda dalka Afganistan ee Kabul, si ay gacan uga geystaan in Muwaadiniinta Maraykanka iyo Shaqaalaha Reer Afganistan ee Milliteriga Maraykanka la shaqeyn jireen.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Mahad Salaad oo Madaxweyne Xaaf ku eedeeyey khilaafka ka taagan Galmudug

Caydiid Ali

Iran oo qabatay Shabakada u shaqeeneysay Sirdoonka Isra’il iyo keyd hub ah

Cabdi Cade

Mursal oo ka qeyb galay kulanka guddiga Joogtada ee Baarlamanka Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---