Allbanaadir.com
NEWS

Cumar Filish iyo Siidii oo AMISOM kala hadlay dadkii ay ku laayeen Golweyn (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulama kala duwan ula qaatay saraakiisha qeybaha Amisom iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee ciidamada Amisom ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo kunool deegaanka Goolweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Madaxda Amisom inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7-qof oo shacab ah, islamarkaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda ay si deg deg ah u helaan cadaalad.

Ciidamada AMISOM ayaa isbuucii hore si bareer ah duleedka deegaanka Golweyn ugu laayay 7qof oo shacab ah oo u badnaa beeraley kuwaa oo ciidanada AMISOM hal goob kuwada dileen.

Related posts

Hab-dhowraha Aqalka Sare iyo kuxigeenkiisa oo la ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaaradaha Dagaalka Masar iyo Faransiiska oo sameeyey Dhoolatus & Shidaal-siin (Sawirro)

Cabdi Cade

Tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu celiyey dalka Turkiga ka db markii..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---