Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Maraykanka oo shixnad talaal ah ugu deeqday Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Waxaa dalka soo gaaray 302,400 talaalka Johnson & Johnson ee COVID-19. Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Mareykanka iyadoo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), ujeedaduna tahay in dalka Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa COVID-19.

Imaatinka qaybtaan koowaad ee tallaalka Johnson & Johnson ee COVID-19 waxay ku soo aaday iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu caabuqa COVID-19 soo laabaty markii 3aad.  Sida kaliya ee loo joojin karo faafitaanka caabuqani waa in la tallaalo dadweynaha.

Wasaaraddda Caafimaadka waxa ay uga mahadcelinaysaa  Dowladda Mareykanka deeqdan, waxaana loogu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA & QORAALKA WASAARADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Boosaaso

Caydiid Ali

Daawo: Somalia oo heleysa dayuurado dagaal & qorshe uu watay Axmed Madoobe oo laga hor yimid

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerar Al Shabaab galabta lala beegsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---