Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar ayaa mujtamca Soomaaliyeed kula wadaagtay boogeeda Twitter fariin ku saabsan xaaladda isa soo taraysa ee Caabuqa Covid-19.
Fariinta Wasiirka ayaa ah mid ay diginin ugu dirayso dadweynaha Soomaaliyeed iyadoo ku baaqday in dadka Soomaliyeed ay qaatan taxadar adag, waxayna ku adkeysay joogteynta gacmo dhaqashadda, xirashada Afka iyo Sanka, kala fogaanshiyaha dadka iydoo la isu jirsasanyo masaafa dhan uguyaraan hal mitir yo bar (1.5 Mitir).
Sidoo kale dadweynaha waxaa laga codsanayaa bay tiri inay degdeg ah u qaataan tallaalka ka hortaga caabuqa Covid-19.
“Fadlan qaado talaalka oo badbaadi naftaada, qoyskaaga iyo Bulshadaada, ku dabool afka iyo sanka tiish marka aad qufacayso ama aad hindhisayso, haddii aad isku aragto Qufac, Qandho ha tegin goobaha ay bulshaddu isugu timaado sida Suuqyada, Xafladaha, Aroosyada, Fagaaraasha, kulamada Ciyaaraha, Tacsida, iyo iwm” ayey tiri Wasiirada.
Hadalkan ayaa ku soo beegmay xili todobaadyadan ay sare u sii kacayaan kiisaska cusub ee cudurkan, iyadoo ay muuqato in mowjadii 3aad ee cudurka uu haatan ku dhufaneyso Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com