Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Senatorkii ugu horeeyay oo lagu doortay Dhuusomareeb iyo Tanaasulkii oo bilowday

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ka bilaabatay doorashada Musharaxiinta u taagan kamid noqoshada xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursiga koobaad ee Aqalka Sare ee laga soo dooranayay Galmudug ayaa waxaa ku guuleestay Siciid Siyaad Shirwac kadib markii uu tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay Maxamed Daahir Maxamed.

Xildhibaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaana qaab gacan taag ah codka kalsoonida ku siiyay Siciid Siyaad Shirwac oo horey uga tirsanaa golaha Wasiirada Galmudug hadana noqday Senatar katirsan Aqalka Sare.

Doorashada ka dhaceysa Galmudug ayaana ah mid aan xiiso badan laheyn, waxaana inta badan musharaxiinta lala rabo Aqalka Sare horey usoo qorteen xubno malxiis ah oo u tanaasulaya kahor doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun lagu riday nin Sabab layaab leh Muqdisho ugu dilay nin Shacab ahaa

Cabdi Cade

Kooxda Daacish oo ka hadahay dilkii Mareykanka u geesteen Jeneraal Qaasim Sulemani

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---