Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya .
Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalida ay ku leeyihiin Kenya , horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan.
Ganacstada ayaa u soo jeediyey Rooble talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal .
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa kaga waramay ganacsatada xaaladihii ugu dambeeyey dalka gaar ahaan siyaasada, amniga, doorashooyinka iyo horumarka.
Sidoo kale ayaa u sheegay ganacsatada ujeedada safarka isaga iyo wafdigiisu ku joogaan Kenya oo uu sheegay iney la xiriirta hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal oo mudooyinkan xumaaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com