Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo la kulmay Xubno katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Mombasa (Sawirro)

Ra’iisul Wsaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
 
Rooble ayaa Soomaalida uu kula kulmay magaalada Mombasa ugu warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka Xildhibaanada labada Golle ee qaarkood dalka ka bilowdeen.
 
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale dhankiisa warbixino ka dhageestay qaar kamid ah xubnihii ku hadlayay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Mombasa.
 
Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa ayaa halkaasi shalay kula kulmay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu kala hadlay soo celinta xiriirka labada dal iyo arimo kale oo siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyaha SSC oo digniin ka bixiyey talaabo ay qorsheyneyso Somaliland

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu RW Rooble kala hadlay haweenka labada Aqal ee Baarlamanka?

Caydiid Ali

Baarlamanka Somalia oo guda galay Cutubka saddexaad ee dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---