Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Cabdiraxmaan Faroole oo mar kale loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Waxaa goordhaw magaalada Garawe ee caasimada dowlad Goboleedka Puntland ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku matalaya dowlad goboleedka Puntland.

Baarlamaanka  Puntland ayaana goordhaw u doortay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo horey Puntland uga soo noqday Madaxweyne  senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka .

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa helay 54 cod, halka musharaxii la tartmayay Maxamed Cismaan Colaad  uu helay 11 Cod, waxa uuna sidaa Faroole uga mid noqday Xubnaha Aqalka Sare ee mar kale dib loo soo doortay.

Magaalada Garawe waxaa wali ka socota doorashada xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Puntland, waxaana maanta kaliya lasoo dooranayaa 11-ka xubnood ee Puntland Aqalka Sare ku yeelaneyso iyadoona musharaxiinta qaar ay horey u tanaasuleen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Baaq Muhiim ah u diray Abwaanada Soomaaliyeed (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qorshayaasha u degsan maamulka gobolka Banaadir sannadka 2024 oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Cusmaan Sh. Cali Buraale oo qarax miino lagu dilay iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---