Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Rooble kaga jawaabay dalabka Uhuru Kenyatta ee ah in laga wadahadlo kiiska badda?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Rooble uu ku adkeystay in aysan ka hadleynin arrinta khilaafka xuduudda badda.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Hadalkan jawaab u ah dalab ka yimid Madaxweynaha Kenya oo ahaa in laga wada hadlo kiiska badda ee labada dal u dhexeeya.

“Eng. Rooble wuxuu xusay in booqashadiisa ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaasoo u baahan in laga wada xaajoodo.”ayaa lagu soo xiray War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Meyd lagu soo xiray oo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed

Caydiid Ali

Mashruuca Dhismaha Wadada isku xirta Jalam iyo Xarfo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

AMISOM oo lagu wareejiyay Hub ay lahaayeen oo laga soo bad baadiyay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---