Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Uhuru Kenyatta oo Rooble ka dalbaday iney ka wada hadlaan arrinta kiiska Badda

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo soo celinta xiriirka labada dal ka dib kulan uu la qaatay Raisul Wasaaraha Somalia oo dalkaas booqanaya.

Qoraal la soo dhigay bogga madaxtooyada Kenya ee Facebook ayaa lagu sheegay in sidoo kale dalbaday in si saaxiibtinimo ah xal looga gaaro khilaafka xuduudda badda ee labada dal u dhexeysa, kaasoo yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa horey meesha uga saaray in laga wada hadlayo arrinta badda, inta uu Rooble booqashada ku joogo Kenya.

Labada wafdi ayaa ka wada xaajooday dhowr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan danaha labada dal ka dhaxeeya, oo ay ugu weyn tahay soo celinta xiriirka diomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 qalinka ku duugay Guddiga Iskaashiga (JCC). Guddiga ayaa wuxuu ka shaqeynayaa iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, socdaalka, gaashaandhigga iyo ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shukri Hassan “Tan iyo 2003-dii Nederlands waa mamnuuc in caruurta in la dharbaaxo”

Caydiid Ali

Taliye katirsan Haramcad oo ku dhaawacmay Weerarkii Al Shabaab saakay lagu qaaday

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn u Boggaadiyay Garab istaaga OIC (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---