Ciidamada AMISOM ayaa gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya ku laayey todobo qof oo rayid ah ka dib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid markii kolonyo ka tirsan ciidamada Uganda oo marayay inta u dhaxaysa degaanada Danow iyo Golweyn ay wadada u galeen Al-Shabaab halkaasoo dagaal culus uu ku dhexmaray labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ka dib ay ciidamada Uganda shan qof oo rayid ah kala baxeen beer ku taala meel u dhow halka uu dagaalku ka dhacay, sidoo kalena laba darawal oo kalena kala dageen gaadiid safar ah oo halkaas marayey, kuwaasoo dhamaantood ay si fool xun u laayeen.
Guddoomiyaha Degaanka Shalambood, Nuur Cusmaan Raage ayaa ciidamada AMISOM ku eedeeyay iney si bareer ah dadkaas rayidka ah u  dileen.
“Inta indhaha ka xireen ayey ku fariisiyeen miino ka dibna way ku qarxiyeen”, ayuu yiri Nuur oo intaas ku daray iney ciidamada AMISOM u sheegeen dadkaas iney yihiin shacab, ka hor inta aysan leynin balse ay iska dhegatireen hadalkooda.
Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo wax laga weydiiyey dhacdadan ayaa sheegay ineysan maqlin balse ay baaritaan ku sameyn doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com