Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Faahfaahin: Ku dhowaad 10 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Bacaadweyne

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen gaari ay la socdeen dad rayid ah oo qarax uu ku qabsaday deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah saddex caruur ah, oo da’dooda la sheegay inay u dhaxeyso saddex illaa shan sano jiro.

Dhinaca kale, gaari ay wateen dhallinayaro ka ganacsata qaad oo ku sii jeeday degaanka Camaara ayaa la soo warinayaa in isna uu qarax uu haleelay, waxaana wararku ay shegayaan in saddex qof oo mid ay tahay hawenay ay ku dhawacmeen qaraxaas.

Degaanadan ayaa dhawaan laga saaray Al-Shabaab, waxaana muddoyinkaan ka socday howlgallo ka dhan ah kooxdaas oo ay wadeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug

7-dii bishan ayey aheyd markii qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, oo ku sii jeeday isla deegaanka Qeycad ee gobolka, halkaasoo askari uu ku dhintay, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Xeer-ilaalinta Maraykanka oo diiday in la faafiyo qoraal ay maxkamadda la wadaageen

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo Al-Shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---