Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Qadar oo la siinayo Dhul ay ka dhisato Safaaradeeda Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya MR. Xasan Xamza Assad.
 
Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda iyo sidii dowlada Qadar u fulin laheyd mashaariic kala duwan ay horey u balan qaaday in Muqdisho ka hirgalineyso.
Safiirka Qadar u jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale Cumar Finish kala hadlay sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul ay ka hirgaliso dhismaha cusub ee Safaarada Dowlada Qatar ku lee dahay Soomaaliya Maadaama haatan si ku meel gaar ah dhul kale ugu shaqeyso.
Duqa Muqdisho iyo Safiirka Qadar u jooga Soomaaliya ayaana si hoose uga hadlay dhulka ku haboon ee dowlada Qadar ka dhisan karto safaarad , waxaana labada dhinac u balamaeen kulamo kale oo dheeraad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirad Fowsiya: “Kiisaskii ugu badnaa COVID-19 ayaa maanta dalka laga helay”

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo shuruud adag ku xiray Sudan si liiska argagaxisada looga saaro

Cabdi Cade

Mid kamid ah Dowladihii taageerayay Khalifa Haftar oo ku baaqday Wadahadal deg deg ah 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---