Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Guddiga qabashada doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland oo la magacaabay

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay Guddiga qaban qaabada doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku matali doona Puntland.

Xubnaha guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha golaha Wakiilada Puntland ayaa gaaraya shan xubnood , waxaana xubnahan doorashada qaban qaabinaya gudoomiye u ah Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle.

Magacaabista guddigan ayaa imaaneysa xili uu Madaxweynaha Puntland Siciid Deni saacado kahor soo saaray liiska musharaxiinta u tartameysa 11-kursi ee Aqalka Sare ku leedahay dowlad goboleedka Puntland.

 Halkan ka Akhriso magacyada Guddiga la magacaabay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Maraykanka oo hanjabaad kulul u diray dhigiisa Ruushka

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay Magaalada Beladweyne & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Yaa wada oo lagula xisaabtamayaa Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---